Ubah Educational Services

Dugsiga Sare

English Pages

Waxaa mar kale loogu bishaaraynayaa ummada Soomaliyeed in laga furay iskool cusub koonfurta Minneapolis. Waxaa wax ka dhigaya Iskoolkan macallimiintii wax ka dhigi jirtay prograamkii Soomaaliyeed ee ka furnaa waqooyiga magaalada (North Minneapolis).

Waxaa hadaba xusid mudan in maamulkii hore iyo macalimiintii hore ay diyaar idiinla yahiin waxbarasho bilaasha oo aan shuruudi ku xirnayn, waxaa la kordhiyay maalmaha iskoolka la dhigan doono iyo waliba maadooyinka lagu dhigan doono. Maalmaha la dhigan doonaa waa laga bilaabo Isniinta ilaa Jimcaha.

Maalinta Isniintu waxay noqondoontaa Kombiyuutar. Ardayda luqada ku wanaagsan waxaa u dheer in labari doono sida Kombiyuutarka loo furo gudihiisa loona xidh-xidho iyo weliba siduu u shaqeeyo; waxay ku xirantahay heerka ardaygu joogo iyo fahankiisa.

Magaca cusub ee iskoolku waa Ubah Educational Services; wuxuuna ku yaalaa meel ay Soomaalidu u badan tahay basaskuna ay ku badan yahiin. Waxaa jira barnaamij loogu talagalay shahaada (GED) dadka waaweyn ee dugsiga sare oo isna la dhigayo maalinta Jimcaha.

Wixii dheeraad ah kala soo xidhiidha telephonkan (612) 334-9653

UBAH EDUCATIONAL SERVICES
609 10th Street South
Minneapolis MN 55404

E-mail: abdirashid_warsame@yahoo.com

Waad Mahadsantahiin, Waa Macalimiintii & iyo Maamulkii oo markale Idin leh ku soo dhawaada waxbarasho shuruud la'aan ah.
ALLAHA NAGU ANFACO