Ubah Educational Services

Barnaamijka Cusub ee Dugsiga Sare

Ubah

 

English Pages

Ogaysiis Mihiima:

Waxaa ardayda lala socodsiinayaa in iskoolkan Ubah uu xidhnaan doono bisha Rabadaanka oo dhan. Fasaxaasi wuxuu bilaabanaya 11-01-02. Dhamaanadoona 12-10-02.

 

Waa markale iyo Ubah Educational Services oo idiinku Bishaaraynaysa Barnaamijka Cusub ee Ubah Dhexe/Sare ee Minneapolis.

Waxaa dhamaan ardada soomaliyeed ee iskoolada Minneapolis loogu bishaaraynayaa in la furay Iskool ku aadan Fasalada kala ah:

  • 6 Grade
  • 7 Grade
  • 8 Grade
  • 9 Grade
  • 10 Grade
  • 11 Grade
  • 12 Grade

Kaas oo lagu dhigan doono maadooyinka ay ka mid yahiin:

  Maadada   Macalinka
1. Xisaab/Fisigis -- Mohamud Musse
2. Bayoolagi/Kimistari -- Saleeman Amin
3. Ingiriisi Sare/Taariikh -- Ismail Samatar

Wasaa Dugsigu la dhigi doonaa Sadex Casho oo ay ka mid yahiin:

  Maalmaha   Xiliga
1. Jimcaha -- Bacda Salaad
2. Sabtida -- Dugsiga Quraanka ka dib
3. Axada -- Dugsiga Quraanka ka dib

Waxaa barnaamijkan soo qaban qaabiyay Ubah Educational Services oo ku hawshoonayd mashruucan in ka badan 2 badii sano ee la soo dhaafay, waxaa Ubah ay ku guulaysatay in ay aflaxiso waalidiin badan oo soomaliyeed iyo waliba dhalinyaro, waxaanay hawsheeda ku balaadhinaysaa dugsiyada dhexe iyo kuwa sare si ay u kabto dhinac kasta oo waxbasho ku aadan.

  • Waxaa ardad la siin doonaa kaadhadh Bus oo ay iskoolka ku yimaadaan kagana noqdaan.
  • Waxaa kaloo oo ardada loo wareejindoonaa waxii karidhid ah ee ay shaqaystaan mudadaa.

Waxaa kale oo hadaba xusid mudan in ay Iskoolkan wax ka dhigi doonaan Macalimiin Soomaliyeed oo wax ka dhiga dugsiyada Minneapolis/St. Paul. Kuwaas oo iyagu ah lafdhabarta Waxbarasho ee ardada Soomaaliyeed. Waxaa is diiwaan galintu bilaabanaysaa Juun 21, 1999 oo Isniina.

Waxii intaa dheer kala soo Xidhiidha Maamulaha Hawl-galka ee Ubah Educational Services Mr. Yusuf Abdirahman (Eelay) oo idiinku Diyaara Rugta Ubah ee ku taala South Minneapolis Tel (612) 874-9667.

Sidaa iyo is Diiwaan Galin Wanaagsan
Iyo inagoo ka faa'iidasana fursada qaaliga
Ah ee aan helnay hadii eebe yiraahdo.

Wixii dheeraad ah kala soo xidhiidha telephonkan (612) 334-9654.

UBAH EDUCATIONAL SERVICES
609 10th Street South
Minneapolis, MN  55404

 

Waad Mahadsantahiin, Waa Macalimiintii & iyo Maamulkii oo markale Idin leh ku soo dhawaada waxbarasho shuruud la'aan ah.
ALLAHA NAGU ANFACO